Si fudud ku baro xirfadda typing (Qoraal boobsiiska)

Barashada qoraal bobsiiska ah adigoon keyboard ka eegeynin.


ku soo dhowaada maqaalkan cusub oo ku saabsan sida ugu fudu oo aad ku baran lahayd qoraal bobsiiska weliba adigoon eegeyn keyboarka oo aad si free ah ku baran doonto, waxaadna ku baran doontaa qoraalka ama sida loo qoro luuqadda English-ka iyo luuqadda Carabi-ga, waxaad ku baran doontoo muddo todobaadyo ah, waxaadna ku gaari doontaa mudadaasi heerka ugu fiican uguna wanaagsan ee qoraal bobsiiska adigoon keyboarka eegeyn, hadaba aynu uguda galno mowduuceenna.

Barashada qoraal boobsiiska adigoon keyboardka eegeyn.

waxaa lagu tiriyaa xirfadda Typing-ka ama qoraal bobsiiska inay tahay xirfad aad u muhiim ah ee dunida casriga ah ee aynu maanta ku noolnahay, waana xirfad meel kasta looga baahan yahay, waxay xirfaddan muhiim u tahay qofkasta ha ahaado Programmer, ha ahaado qof  Website qoraa ka ah ama ka shaqeeya, ha ahaado Arday, ha ahaado qoraa ah, dhamaanteena muhiim ayay inoo tahay xirfaddan, Waxaan baari taano badan ku sameeyey mowduucan, waxaana bilaabay inaan barto xirfaddan, waxaan ku bartay muddo 2weeks ama 2 todobaadyo, sidoo kale waxaan jecleystay inaan kula wadaago sida aan ku bartay iyo meelaha aan ka bartay.

waxaan kula wadaagi doonaa 3-websites oo lagu barto qoraal bobsiiska adigoon keyboard ka eegeyn, maadaama aan website yadan aan ka bartay qoraalka bobsiiska waxan jecleystay adna inaan kula wadaaago si aad uga faa'ideysato oo ka barato xirfad dhamaystiran mudo yar gudaheed oo ku dhowaad ah 2 ilaa 3 isbuuc. inta aada ku dhex jirto website yadan waxa ka baran doontaa qoraalka English ka iyo Arabic ga, weliba website 3aad ayaa masuul ka ah inuu ku baro xirfaddan oo ah qoraal bobsiiska si aad u wanaagsan, sidoo kale dhamaan website yada aan kula wadaagayo waxaad wax ka baran doontaa si free ah meel kasta aad dunida ka joogto.


Website-yada ugu fiican ee laga barto qoraal bobsiiska.

1.Website-ka ugu horeeya ee aan kula wadaagayo ayaa ah typeracer Website kan wuxuu ku bari doonaa xirfada qoraal bobsiiska oo weliba si free ah, intaa waxaa sii dheer oo aan ugu jeclaaday ayaa ah wuxuu ku siin doonaa fursad aad tartan ku gasho wuxuu kula tartan siin doonaa dad xaqiiqa ah oo meel kasta ay aduunka ka joogaan ayaa tartan la galaysaa si aad u hormariso xirfaddaada ah qoraal bobsiiska adigoon keyboard ka eegeyn.

Intaas oo dhan waxaad ku heleysaa Adigoo account ka sameysta website ka, waxaad account ka sameysan kartaa si fudud adigoo raacaya linkga aan dhamaadka maqaalkan kuusoo dhigay, linkgaas wuxuu kuu suura gelinaya inaad si toos ah u gasho website ka, sidoo kale waxaad si fudud kula tartami kartaa dadka kale ama aad exercise gereen kartaa xirfada aad ka baratay oo ah qoraal bobsiiska adigoon keyboard ka eegeyn, inaad ku guulaysato ayaan rajenyaa inshaa allah.

Astaamaha uu leeyahay web ka typeracer.

  • Waa mid free ah
  • Wuxuu skills ka kugu siin doonaa sida ugu wacan
  • Isticmaalkiisa ayaa aad u fudud
  • Tartan aad dadka aduunka ku kala jooga la galayso e qoraal bobsiiska 
  • Barashada qoraalka keyboard ka si degdeg ah


Website ka 2aad

Website ka 2aad waa web-ka (طباعة) Wuxuu ku bari doonaa sida keyboard ka loogu qoro adigoon eegeyn laakiin wuxuu kugu bari qoraalka af carabiga ah (sida luqada carabiga aad ku qori karto adigoon keyboard ka eegeyn) kii hore aan kula wadaagay wuxuu ahaa luuqadda english ka balse midkan si toos ah wuxu ku bari doonaa sida ugu fudud ee aad ku qori karto luuqada carabiga adigoon eegeyn keyboard ka, Baaritaan dheer iyo tijaabo badan aan sameeyay kadib waxaan ogaaday website kan inuu yahay kan ugu fiican ee aad ka baran karto qoraalka carabiga, sidoo kale wuxuu kuu sahlayaa inaad ogaato inta bobsiiskaaga uu yahay iyo inta qaladaad aad gasho iyo inta erey aad ku qori karto 1 daqiiqo iyo macluumaad muhiim ah oo kuu siyaadinaya xirfadaada.

Barashada qoraalka afka carabiga ah adigoon keyboard ka eegeyn wuxuu muhiim u yahay qofka ka shaqeeya website yada carabta sida inaad ka tahay marketer ama  suuq-geeye ama hadaad tahay qof ku badan qoraalka carabiga ama markaad document oo af caribi ah diyaarinayso iyo shaqooyin kale oo la xiriira afka carabiga  hadaba website kan waa kaagii ee ka faa'ideyso.


Website ka 3aad

Website ka 3aad waa web-ka typingclub website ka wuxuu gaar u yahay barashada qoraal boobsiiska adigoon keyboard ka eegeyn ee qoraalka English ka, waa website aad u cajiib ah runtii waana mid aad u fudud ee qofkasta u fudud, waxaan hubaa website kan keligiisa inuu kuugu filan yahay, sababtoo wuxuu xirfadan kugu bari doonaa si fudud oo cajiib ah oo qofkasta si fudud ku fahmi karo, website ka ayaad furaysaa waxaad click ku siinayasaa meesha ay ku qoran tahay start now! Kadib waxaad arkaysaa adigoo ku dhex jira tijaabooyinka barashada qoraal bobsiiska ee luuqada englisha.


Astaamaha uu leeyahay web-ka typingclub:

  • Waa mid free ah
  • Sida fudud ayaad u fahmaysaa
  • Waa aad u heer sareeya
  • Waxaad comment ku heleysaa bobsiikaaga



Waxaynu gaarnay dhamaadka maqaalkeena oo ku saabsanaa barnaamij ka barashada qoraal boobsiiska ee keyboard ka. Waxaan rajeenayaa inaad ka faa'ideysatay maqaalkeenna maanta, inta aynu markale ku kulmi doono waxaan idiin kaga tagay nabadgalyo.


Links yada:

Link yada website ka waxaad ka heleysaa qeybta hoose: ⤵️

Web-ka typeracer 👉 ( Halkan )
Web-ka طباعة       👉    ( Halkan )
Web-ka typingclub👉( Halkan )

Post a Comment

Previous Post Next Post