Adigoon youtube ka kasoo muuqan lacag ka samee😎!!


Adigoon Youtube-ka kasoo muuqan Lacag ka samee!!

Caalamka aynu maanta ku noolnahay wax kasta waxa ay noqdeen macquul, maadaama ay wax kasta isku bedeleen online, dukaamooyinka iyo baqaarada caalamiga ah oo dhami waxa ay noqdeen kuwa laga adeegto online, wax kasta digital ayay noqdeen, ganacsi kasta adduunka ka jira waxaa lagu xayeysiiyaa internate ka, shirkadaha waa weyn ee wax xayeysiisa waxaa kamid ah: Google, youtube, facebook iwm.

Hadaba maanta anagoo internate-ka ka faaideysaneyno waxaan rabaa inan kula wadaago dhowr fekradood oo youtube ka lacag uga sameyn karto adigoon youtube-ka soo fariisan ood wejigaaga soo bandhigin.


Adigoon wejigaaga youtube kusoo bandhigin, lacag kasamee! 2022

Assalaamu calaykum!, ku soo dhowow mareegtadenna, dhamaanteenna waynu rabnaa inan youtube ka lacag kasameeno balse waxaa nasoo wajahda mushkilado badan, sida: in aanan kasoo muuqan karin ama aanan hor istaagi karin camerada, ama aanan awoodin qarashka setup ka (sida camerada, makrofanka, iyo nalalka) ama umaba baahnid inay daawadayaasha ku aqoonsadaan qofka aad tahay.


Lacag kasamee youtube ka adigoon soo muuqan

Maqaalkeenna (qormadeenna) maanta waxaan kuugu soo bandhigi doonaa wadooyin badan oo aad ugu soo biiri karto youtube-ka iyo inaad lacag kasameyso adigoon kasoo muuqan, waxaan kula wadaagaya 4 fekradood oo midkii kula fududaada ku bilow oo ugu soo biir caalamka youtube-ka.


Fekradda 1aad

Youtube shorts, muddo ka hor youtube-ka waxay shaacisay inay kusoo kordhisay adeeg cusub oo ah youtube shorts, waxay na tartan kula jirtaa shirkadda tiktok-ga sababtoo ah shirkadda tiktok-ga waxay noqotay shirkadda ugu badan ee la booqdo sanadka la soo dhaafay ee 2021-ka, sidaasi darteed ayay tartan kula jirtaa shirkaddan.

Waxaad fursad haysataa inaad ku bilowdo youtube shorts oo aad sameyso muuqaalo aan ka badnayn 1 daqiido, tusaale ahaan: waxaad sameyn kartaa vedio yada games ka adigoo duubayo shaashada telkaaga (screen recording) iyo codka game-ka, markaasna uma baahnid inaad wax sawir ah ama vedio ah si aad u abuurato vedio.
Qish yar aan ku siiyo oo aad youtube shorts ugu soo biiri karto, waxaad sameysaa vedio yada tiktok-ga ah oo views ka badan leh ama aadka loo xayeysiiyo la soo deg ayagoo watermark la'aan ah kadibna youtube ka kusoo post geree!

Note: youtube shorts laguma soo bandhigo ama lama saaro xayaysiis, saas darteed lacag kama samen kartid laakiin ha welwelin youtube ka waxay shaacisay inay siin doonto dadka sameeya shorts ka lacag dhan 100 million oo dollar ah.

Fekradda 2aad

Fekrada 2aad ayaa ah in aad furto channel sida channelada caadiga, waxaad kusoo bandhigi kartaa: aqoontaada, xirfaddaada, cilmigaaga, farsamadaada, iyo wax kasta aad kusoo bandhigi karto. Channelkan markaad furayso keliya waxaad ubaahan tahay makrafoon oo aad u fiican si uu codkaaga nadiif u noqdo, ama waxaad cod ku duubi kartaa mobile kaaga kadib na edit ayaad kusamayn kartaa adigoon wax qarash ah gelin.

Sidoo kale waxaad u baahan tahay sawiro free ah iyo vedio yada free ga ah ee laga helo website yada la dhaho ( pixabay, pexels, iwm) sidoo kale vedio yo qurux badan soo xulo si ay daawadayaasha ku raaxaystaan vedio gaaga, sidoo kale codka si fiican u hagaaji sababtoo ah waa waxa soo jiita views badan inaad hesho, intaas markaad ku dhaqaaqdo waxaan hubaa mudo yar kadib inaad lacag ka sameyn karto.

Fekradda 3aad

Fekradda sedexaad, samee channel aad ku soo gudbiso soo koobidda aflaamta iyo musalsalaadka adigoon ubaahnayn qalab aad u qaali ah keliya adeegso phone kaaga, waxaan hubaa inaad kumanaan views heli doonto anigaa kaa hubo 100% weliba hada waqti xaadirkaan soomaali badan ayaa ku soo biireysa saaxada aflaam soo koobidda, waxaad soo koobi doontaa aflaamta la xiiseeyo oo ay dadka badan daawadaan.

Filmka mudadiisu ay tahay 2saac ama kabadan ayaad soo koobaysaa waxaad ka dhigaysaa film 20 daqiiqo ka yor soconaya, mid maanka ku haay, qofkasta kusoo biira muuqaalada nuucaan ah inuu soo bandhigo mudo yar ayuu ku caan baxaa, oo lacag badan na ka sameeya.

Fekradda 4aad

Fekradda afaraad, samee channel laakiin waxaad soo bandhigtaa vedio qaab kartoon ahaan, qaabkan kaagama baahna inaad codkaaga soo bandhigto keliya kusoo bandhig muuqaalo kartoon ah oo qosol badan waxaad na kusoo bandhigi kartaa qaab shorts ahaan, adigoo kusoo bandhigayaa yotube ka ama tiktok-ga, sidoo kale waqti badan kaaga baxayo inaad vedio yadaas sameeyso, si fudud ayaad ku sameysan kartaa adigoo adeegsanaya mobile kaaga oo kaliya iyo waqti yar.

Gunaanad

Waxaan soo gaarnay gabagabada maqaalkeenna maanta oo aan kaga hadalnay wadada ugu fudud ee aad youtube ka lacag kasameyn karto adigoon youtube ka kasoo muuqan, waxaan rajenayaa fekradahaasi mid uun inaad ka faaideysatay, hadii aad u baahan tahay wax dheeri ah nagala soo xiriiri akoomada aan ku leenahay baraha bulshada, nabadgelyo.

1 Comments

Previous Post Next Post