Millioner ka Soomaaliya, Siduu ku gaaray heerkaas?

 

Nolosha ifku waxay kuu bilaabataa Maalinta aad dhalato, waxaadna dabka ka leexo si quman u barataa maalinta aad 5 shan jirsato, balse wuxuu damac nololeed iyo mid haneed ku galaa maalinta aad 15 jirsato, damac iyo han kasta kugala se noloshu waxay u baahan tahay halgan iyo dhabar adeeg lagu daray maskax furnaan iyo fahanka daruufaha nololeed ee kugu xeeran. 

Intabadanna waxay dadku ku hadaaqaan in ka guul gaaridda noloshu ay u baahan tahay ugu horreeyn ba joogto waddan hormarsan, dabadeed na aad leedahay aqoon badan oo aad hanti badan ku kasbato, balse akhriste maqaalkeenna maanta waxaynu ku eegi doonaa sheekada guusha inan soomaaliyeed oo dhalinyarnimadiisi hore ka talaabsaday duruufo adag ee nolosha ah kuna kasbaday hanti da'diisa ka weyn, waxaynu ujeednaa inanka lagumagacaabo bishaar dheere.

Sheekada bishaar dheere

badanaa dadka sheekadiisa la haysta inankan dhalinyarada ah, waxay u garan ogyihiin Bishaar dheere, balse magaciisa dhamaystiran waa Maxamed Bishaar Cabdalla, Bishaar wuxuu ku dhashay magaalada muqdisho halkaasi ayuu yaraanytiisa kusoo hanaqaaday, yaraantiisiiba fursad uma uu san helin in uu aado waxbarashadii asaasiga ahayd ee schoolka.

Duruufo Adag ee qoyiskiisa haystay awgeed, markii uu madaxa soo qaaday na maadaama uu bishaar ahaa inan ka curad ee qoyiskiisa sidoo kale na uu ilaahay caqli iyo maskax ku galladay, wuxuu ku fekekray inuu ka hayaamo gayigii uu joogay si uu u raadiyo meel kale oo dhaanta halka uu ku noolaa oona ka heli karo fursad  shaqo iyo mid nololeed ba.

Bishaar isaga oo aan weli gaarin da'da labaatameeyada 20 haysan wax lacag ah haba yaraatee ayuu safar dhanka dhulka ah ku galay kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi, wuxuu hamiga ku haayay raadinta wadadii uu ku bilaabi lahaa helidda shaqo noocay doonta ba ha noqotee, maadaama nolosha Kenya taalay ay ahayd ama nin rag oo xamaasha noqo ama darbijiif nolosha ka dhaca u huleel, bishaar inkasta oo uusan dhigan waxbarasho iskuul, hadana inaadan aadin waxbarasho iskuul ma ahan arin kaa hor istaagaysa inaad gasho halgan nololeed.

Bishaar wuxuu internate-ka ka iska baray ganacsiga iyi xirfadaha Computer-ka taas oo markii dambe u sahshay inuu markii dambe shaqa ka helo goob internate lagu kireeyo, isagoo u hagaajin jiray Computerada wuxuu na maalintii oo dhan celcelis ahaan u heli jiray lacag gaaraysa 2$ oo keliya, in mudda ah markii nuu halkaas ka shaqeenaayey wuxuu markii dambe bishaar heley furad dalacsiinayd oo uu bishii oo dhan ku heli karo qadar lacageed oo gaaraya 100$.

Mudo kadibna wuxuu isla goobtii ka bilaabay tababar quseeya dhanka cilad bixinta Computerada mudadii 5 ta sano ahayd oo uu halkaas ka shaqeenaayey bishaar wuxuu dhinac kala waday inuu isbaro luqadaha Sawaaxiliga, Carabiga iyo Ingiriiska, Goobtaasi oo uu ka shaqeynaayeyna siduu isaguba sheegay waxay dhaxal siisay oo ay u furtay albaabo badan oo dhanka waxbarashada ah iyo aqoonta ba.

Siduu ku Aas'aasay Company giisa (Season Global)

Maalin maalamaha kamid ah bishaar isagoo kuguda jiray shaqadiisa caadiga ahayd, mid kamid ah asxaabtiisa ayaa la wadaagay fikrad aad u qancisay oo ahayd inay jirto fursad muhiim ah  oo dhaqaale badan looga sameyn karo wadanka koonfurta Sudan, fursadaasi waxay ahayd in wadankaasi uu ku yar yahay qadka internate ku, sidaas awgeed na qofkii halkaas ka sameeya ganacsigaas uu faaiido badan ku qabi karo.

Bishaar na wuu u hayaamay halkaasi isaga oo kaashanaya koox dhalanyara ah oo saaxiibadiisa ah in muddo ah uu halkaasi ka shaqeenaayey na waxaa wadankaasi ka curtay dagaallo sokeeye, ganacsigii ay halkaas ka wadeen na ma noqon mid sidiisii sii ahaada waxaana saameeyey rabshada dagaalladaasi.

Xilligaasi waxa bishaar soo wajahday mushkilad xal u jeliddeedu ay u baahan tahay maskax furnaan iyo ka fiirsasho qoto dheer, Bishaar waxa horyaalay laba dooq, kan 1aad wuxuu ahaa inuu isgaa tago koonfuta suudaan dagaallada socday awgood, kan 2aad na inuu ku fara adeego fahanka ganacsiyada ee uu ka haysto wadankaasi, sababtoo ah hadii uu meel kale tagi lahaa waxa macquul noqon karaysay inay ku adkaan lahayd waqti na ku qaadan lahayd laqabsiga jawiga iyo suuqa deegaan ka cusub ee uu ku biiray.

Bishaar wuxuu go'aansaday inuu sii joogo magaalada Jubba, balse uu dhan kale u rogo hab ganacsigiisi, waxay na bilaabeen inay isaga iyo koox saaxiibadiisa ah oo isago hormuud u yahay, inay aasaasaan Company yar oo ay ku magacaabeen Season Global, Waxayna lashaqa bilaabeen hay'adaha UN ka gaar ahaan kuwa ka shaqeeya arrimaha bin'aadantinimada iyagoona u qabanaayey inay u keenaan oo ay u dalbaan waxay ubaahan yihiin sidoo kale na ay goob kasta iyo wadanka ay rabaan u geeyaan agabyada ay hay'adaha sii baxshaan, sida raashiinka barakacayaasha iyo agab yada kale ba .

Horaan waxay shirkadan kasoo bilaabeen meel aad u hooseeyey, balse dadaal waqti qaatay kadib, shirkadan waxay noqotay mid sameysa sara-u-kac aad u ballaaran, bishaarna oo halkaa u bilaabatay inuu bulaalo, uu natiijo la taaban karo ka keeno halgan uu waqti badan kusoo jiray, Company ga bishaar ee Season Global maanta wuxuu ku qiimeysan yahay malaayiin doolar.

Koonfurta suudaan oo ahayd bar bilowgiisii hore, wuxuu ku leeyahay oo uga howl galaa dhor wadamood oo kala duwan, ayna uga howlgalaan inkabadan dhowr iyo labaatan +20 shaqaale, wuxuu sidoo kale xaruumo ku leeyahay dalal badan oo ay kamid yihiin, Uganda, Sudan iyo Somalia. waxaana sidoo kale wakiilo u joogaan wadamo badan oo ay kamid yihiin, Shiinaha, Imaaraatda Carabta iyo dalal kale ba.

Maxamed Bishaar Cabdalla, Bishaar dheere oo ahaa inankii isagoo lugaynayo kenya soo galay, maanta waa hantiile iyo ganacsade ka lib keenay ganacsigiisi wuxuu na hormuud u yahaydhalinyaro badan oo soomaaliyeed iyo kuwa kale oo African ah ba, Bishaar Waa xaasle iyo aabe leh laba caruur ah, mar lawaresanayey wuxuu sheegay bishaar in aabihiis uu leeyahy laba xaas ayna la dhasheen 14 walaalo ah isaguna uu u hayo mas'uuliyadooda dhamaantood wuxuuna sheegay in bishii uu biil iyo wax barasho ahaan u siiyo walaalihiisa lacag gaaraysa 5k$ shan kun oo doolar bil walba.

hadaba maxaynu ka baran karnaa guusha Maxamed Bashaar? Marka koowaad casharka aynu kabaran karno ayaa ah inaysan marna waxbarasho iskool iyo mid jaamacadeed toona aysan kaa hor istaagi karin inaad halganto kana dhabayso riyadaad ku taamayso. Marka labaad na Wuxuu noqon karaa casharkeena xiga ee aan ka baran karno guusha bishaar, inaad nolosha heer ka gaarto, inaysan ku xirneen qaarada aad joogto iyo wadanka aad ku dhalatay toona.

Bishaar dheere imminka waa aqoon yahay maadi iyo diinba oo waxbadan ka fahansan iyo nin dhul badan cagta saaray, kuwa uu shaqa u tagay iyo kuwa uu dalxiis ku tagay ba intaas ayaynu kusoo gabagabeenaynaa sheekada bashaar dheere

Post a Comment

Previous Post Next Post