Waa maxay computer science?

 

Computer science

💻 Computer scienceka waxaa lagu tiriyaa inay tahay kuliyad barashadeeda uu kobac wayn ku yimid 20kii sano ee ugu dambaysay, waana kuliyad suuqeedu aad u badan yahay, daraasaadka iyo baaritaanada qaybtood waxay sheegayaan in ardayda waxbarashada u aada dalka marykanka sanad walba 30% kamid ah in ay bartaan kuliyadan, Shirkadaha iyo dadka ugu hantida badan aduunka maantana badankood waxay ka shaqeeyaan shaqooyin la xiriira technologyada.

💡 Hadaba maxay tahay kuliyadani? Maxaa lagu bartaa? Maxayse tahay faaidooyinka iyo qasaaraha ay leedahay barashadeedu? Jawaabahani oo dhan waxaad uga bogan kartaa maqaalka hoose.



Computer science :
Waa barashada qawaaniinta ama sharciyada wax xisaabinta iyadoo la isticmaalayo qalabkaa elektroonik-ga ah (computer ka), waxayna nagu caawisaa si aan u fahanno sida computers-ku ay u xaliyaan masaa’isha xalka u baahan, noocyada uu xalin karo, iyo mas’aladii sidii computer ka loogu dhiibi lahaa si uu u xaliyo. Waxa sal u ah fikrado theoretical ah iyo asaas xisaabeed. Waxa lagu sheegaa in computer science ku uu keenay fikradaha iyo principles ka uu ku dhisan yahay ama abuuray cilmiga Information Technology-gu ee loo yaqaan ( IT ). Badanaana waa laysku khaldaa oo faraqa u dhexeeya labada field waxa ka jira doodo badan.
Faraqa u dhexeeya computer science iyo Information technology waxa lagu sheegaa inuu yahay in IT da - oo hadda badanaa loo yaqaan Information and Communications Technology (ICT) – ay tahay barashada isticmaalka computer-ada si loogu xaliyo hawlaha horyimaadda ganacsiga iyo xogta muhiimka u ah horumarkiisa. Badanaa waxa la isku xiraa dhawr nidaam oo ka kooban qaar shabakadeed ama network iyo nidaamyo macluumaad si shirkadda ama gacansiga isticmaalaya wax soosaarkiisa sare loogu qaado.

Dhanka kalena computer science ku ma aha kaliya barashada computer ka iyo waxa la xiriira, waxana la aaminsanyahay inuu xiriir aad u weyn la leeyahay Xisaabta (Mathematics) iyo barashadeeda, illaa heer jaamacado badan ay is raaciyaan labada qaybood oo ay u xilsaaraan hal faculty ama department labadaa maaddo dhigistooda iyo wixii la xiriira.


Qofka barta computer science ku hadaan Somali nahay waxa laga yaabaa inay noogu muuqan in uu wax badan wadanka u qaban karo ama, waa midda noo muhiimsan badankeene, uu wax badan ka qabsan karayn. Waxaan aaminsanahay si kastoo dhulkii u qasan yahay, in waligeed iyadoo ay sedan iska ahayd horumar ku dhankiisa ka socday. Dadkii waxaad u malaysaa inay sii fahmayaan in nidaamyadoodii la wada badalo kuwo computerized ah ay ku jirto faaiido badan. Xitaa dawladdii aan wali salka yeelan ayaa nidaam computer oo loo isticmaalo passports ka iyo control-kooda ayaa lacag badan looga bixiyay. Ixtimaalaatka iyo fursaduhu ma yara, inkastoo rajo badan wadankii ay ka muuqan.




Waa maxay caqabadaha so wajahi kara ardayga baranaya computer science?

Caqabada ugu wayn ee ka hor imaanaysa ardayga raba inuu
barto kuliyadda computer science ayaa ah Isbedbedelka iyo
hormorka xawaaraha ku socda ee kuliyada computer
sciencka leedahay, kuliyadan ayaa ah kuliyada ugu is bad
badalka badan aduunka, waxaana laga yaabaa in aad maanta
program ama code ku shaqeyso berina mid kale oo cusub
aad ku shaqeyso.

Caqabada labaad ayaa ah in qofka barta kuliyadan uu noqonayo mid si joogto ah u shaqeeya, waxaa laga yaabaa barnaamij aad ka shaqeynaysay inuu istaago oo habeen barka lagu soo kiciyo ama xilli aadan shaqada ku jirin laguu yeero si aad u hagaajiso
maxaa yeeley shirkadaha qeybtood ama bangiyada hadii uu barnaamijka ay ku shaqeynayaan uu istaago ama cilad ku timaado waxey ilbiriqsi kasta khasaarayaan maalaayiin dollar.

Kuliyadaha ama takhasusaadka
Hoos yimaada kuliyada computer science.

1️⃣ Cyber Security
2️⃣ Software Engineering
3️⃣ Artificial intelligence
4️⃣ Data Science
5️⃣ Programming
6️⃣ Computer information systems.



Faaidooyinka ay leedahay
barashada kuliyadan.

1. Mustaqbal shaqo oo ifaya.
2. La jaanqaadida horumarka technologyada.
3. Abuurida applications badalaya nolol maalmeedkeena.
4. Abuuridda website yo bedelaya aduunka oo dhami.
5. Ku shaqaynta goobta aad rabtid iyo goorta aad rabtid.

Faaido-darooyinka ay leedahay
barashada kuliyadan.

1. Kambuyuutarku wuxuu kuu noqonayaa balwad.
2. Waxaad noqonaysaa qof xir-xiran oo aan la fal gali
3. karin dadka kale maadaama aad marwalba tahay mid hor fadhiya kambuyuutarka.
4. Caafimaad darro, oo horfadhiga badan ee kambuyuutaku wuxuu kuu horseedayaa xanuuno ay ugu horeeyaan dhabar xanuun iyo indhaha oo ku qalalal.

Maxaad ka shaqayn kartaa hadii aad baratid kulliyadan?

1. Programiye.
2. Xog aruuriye.
3. Bangiyada iyo jaamacadaha.
4. Shaqaale dowladeed iyo shirkadaha private ka ah.
5. Iyo shaqooyin kale oo aan halkan ku xusin.

Post a Comment

Previous Post Next Post