Isbedellada WhatsApp ka ku dhacay

 


Isbeddelladii Whatsapp-ka oo wax iska baddalay! sabab?

4 qodob ayaan ku soo koobayaa waxa dhacay si aad u fahanto halka wax ay ka bilowdeen iyo halka ay wax marayaan.

1- Maxaa dhacay? 

4tii Jannaayo 2021, Shirkadda Facebook ee leh Whatsapp ayaa shaacisay in ay isbeddel ku sameyneyso siyaasaddeeda xog qarinta (Privacy Policy), waxa ay sheegtay in ay wax ka beddeli doonto habka ay xogta u kala qaataan barnaamijyadeeda (sida Whatsapp, Facebook, Instagram, iwm), iyo habka ay u xiriiraan dadka caadiga ah iyo shirkadaha ganacsiga, waxaase ugu darneyd markii ogeysiiska la soo raaciyey sidan: "Haddii aad oggolaan weyso xeerkan cusub ka hor 8-da Febraayo 2021, waxaan hakin doonnaa ama tiri doonnaa Whastapp-kaaga" waxaana xusid mudan sidoo kale in aysan Whastapp Faahfaahin wanaagsan ka bixin xeerkeeda cusub, waayo, ogeysiiskeeda waxa uu ku qornaa ereyo ay fahmi karaan keliya dadka xeer-yaqaannada ah.

2- Sidee looga falceliyey? 

In ka badan 2 bilyan oo qof oo adeegsada Whatsapp ayaa ka xanaaqay go'aankeeda, waxa ay bilaabeen qaarkood in ay u qaxaan barnaamijyo kale sida Telegram, Signal iyo kuwa kale.

3- Sidee bay uga jawaabtay Whatsapp sawaxankii dunida? 

Cabsi ayaa soo wajahday Whatsapp, waxaana cabsidaas laga dareemi karay olole aad u ballaaran oo ay soo qaadday Whatsapp, iyadoo leh, si qaldan ayey dadka xeerkan u fahmeen. Waxa ay caddeysay in aysan wax iska beddelin habkii ay u qarin jirtay xogta dadka gaar ahaan marka uu qof la sheekeysanayo qof kale, in wada sheekeysiyada guruubyadu yihiin mid qarsoon iyo in aysan marna nambarada dadka la wadaageyn barnaamijka Facebook. Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay dib u dhigtay go'aanka xeerkan illaa 15ka bisha MEEY ee sanadkan. Waxa ay si xooggan u sheegtay in isbeddelkan uu keliya saameynayo marka uu qof la sheekeysanayo shirkad ganacsi, sida shirkad uu adeeg ama agab ka iibsanayo iwm, oo shirkaddaas waxa ay awood u yeelan doontaa in ay keydsato wada sheekeysigiinna si ay ugu adeegsato daneheeda ganacsi sida xayeysiinno iwm.

4- Maxaa nala gudboon? 

Aragtideyda ahaan, ma jirto shirkad dunida ah oo lagu kalsoonaan karo in 100% ay xogteenna ilaalineyso, waxaase xaqiiq kale ah in shirkadaha waaweyn sida Facebook iyo Google aad loola xisaabtamo marka ay timaaddo xeerka qarinta xogta dadka, mana jirto shirkad jecel in ay macaamiisheeda iska lumiso. Haddase, digniin culus ayey dadka dunida u direen shirkadda Facebook haddii ay ku dhaqaaqdo xad gudub ka dhan ah qarinta xogta macaamiisheeda.

Intaan waxay ahayd isbedelka cusub ee whatsapp ka oo aan si kooban uga hadlay, hadii aad ubaahan tahay inaad si fiican u fahanto siyaadan cusub qoraalka hoose akhri.

Qoraalka hoose waxaad uga bogan kartaa Faahfaahin dhamaystiran oo ku saabsan siyaasadda cusub ee whatsapp ka  :⤵️


Muddooyinkii u danbeeyay waxa doodo badan ka socdeen nidaam cusub oo ay soo saartay Whatsapp, waa siyaasad iyo heshiis cusub oo la xidhiidha xogtaada kuugu kaydsan ama dhex marta whatsapp. Siyaasaddan dhawrsoonaanta xogtaada ee Whatsapp soo saaray waxa ay si toos ah u dhaqan gelaysaa 08 Feb 2021, waxa kuu soo dhacaysa farriin tilmaamysaa in siyaasad cusub uu soo dejiyay whatsapp, inta muddadaa ka horraysa farriinta waad isdhaafin kartaa oo waad xidhi kartaa marka se la gaadho 08 Feb ama waad aqbali ama waxa aad waayaysaa Whatsappkaagii oo waa uu masaxmayaa.

Maxay tahay siyaasaddani/heshiiskani?

Laga soo bilaabo 2014 whatsapp waxa si hoose u maamulayay FB, muddooyinkii danbena waaba uu la wareegay. Mulkiilaha FB Mark Zuckerberg ayaa la wareegay Instagram iyo Whatsapp waxana uu October 2020 sheegay in uu wada xidhiidh ka dhaxayn doono dhammaan mareegaha FB, FB Messenger, Instagram iyo whatsapp, dhawaan waxa isku xidhmay Instagram iyo Messenger, siyaasadan cusubna waa mid isku xidhaysa Facebook iyo Whatsapp. Siyaasaddani waxa ay qeexaysaa sida ay ganacsiyadu u isticmaali karaan whatsapp marka ay la xidhiidhayaan ganacsiyada kale iyo macaamiisha.

Maxaa whatsapp la wadaagayaa FB?

Qodobkani ayaa ah ka u muhiimsan, haddii aad aqbasho siyaasaddan cusub whatsapp waxa uu la wadaagayaa Facebook: isticmaalkaaga whatsapp sida, xilligii aad ku soo biirtay, waxyaabaha aad u isticmaasho sida Groups, Status, Calls, Chats iyo wixii la mid ah, sawirka kuu saaran, qoraalka kugu saabsan ee ku qoran whatsapp “About”, nidaamka xawaaladda haddii aad isticmaasho iyo accountka kuugu xidhan iyo halka aad ku sugantahay. Waxa uu kale oo la wadaagayaa xilliga aad ku jirto ama Online tahay, markii u danbaysay ee aad ku jirtay, iyo xilligii u danbaysay ee aad dib u qortay xogta kugu saabsan “About-ka”.  Waxa kale oo si fudud loo helayaa groupska aad ku jirto, sida ururrada ama dugsiyada waxbarasho ee ubadkaaga iyo wixii aan weynayn ee kugu saabsan.

Sidoo kale xogta whatsapp la wadaagayo Facebook waxa ka mid ah xogta ku saabsan aaladda aad isticmaalyso iyo khadka aad isticmaalayso sida: Model-ka, Operating systemka-ka, mareegta ama browser-ka, IP address-ka iyo mobile-ka ama computerka aad isticmaalayso xogtiisa ama tirsigiisa. Waxa kale oo dheer heerka dabka ee aaladdaada, xawaaraha khadkaaga iyo appka aad isticmaalayso version-kiisa.

Arrinkani werwer ma leeyahay?

Haa, werwer badan ayaa uu leeyahay. Xogahani waxa ay ku kala kaydsanaayeen labo kayd oo kala duwan(Whatsapp iyo Facebook), haddii la wadaago oo la mideeyo waxa la helayaa xog badan oo kugu saabsan oo qaarkood kala duwanaan karaan. Tusaale ahaan: numberkaaga whatsapp haddii uu ku xidhanyahay FB aan magacaagu ku qornayn waxa la arkayaa kala duwanaanta, ama Facebook number kuugu xidhanyahay whatsappkiisa iyo xogtiisa.

Sidoo kale waxa isku xidhkani isbarbardhig ku samaynayaa dadka kuugu jira whatsapp iyo kuwa kuugu jira FB iyo waxa idin dhexmara, groups-kaaga whatsapp iyo kuwa facebook. Sidoo kale haddii aad isticmaasho “Whatsapp transaction services” waxa uu FB awood u yeelanayaa in uu xogta xisaabtaada iyo numberka card-ka aad isticmaasho ku xidho facebook-aaga.

Waxa kale oo muhiim ah in farriihii dadka idin dhex marayay ee ahaa “end to end encrypted” ay wadaagani sababayso liigid in uu ku yimaaddo oo xogtaasi gacan kale in ay gaadho fududahay. Haddii aad kolka xog kuu gaar ah ku dirtid whatsapp ama wada hadallo goonni kuu ah ku gashid digtoonow, ama jooji waayo imika kuuma gaar aha.

Maxaa talo ah?

Haddii aad aqbasho xogahaagii waa la wadaagayaa, haddii aad diidona whatsapp waa uu kaa xidhmayaa, haddaba haddii aad aqbalayso siyaasaddan cusub oo aanad ka maarmayn whatsapp waxa iga talo ah, in aad whatsapp ku yeelato number aanad meel kale ku isticmaalin, xogta aad ku dirayso hubiso, xisaabahaaga iyo accountskaagan ka ilaaliso xogtodooda ama numberada sirta ah ee Card-kaaga.

Halkee loo guuri karaa?

Waxa aad loogu talinayaa in whatsapp looga guuri karo labada application ee kale sida Telegram iyo Signal. Waayo ilaalinta xogta iyo gaar ahaanshaheeda ayaa imika ka dhawrsoon Whatsapp. Waliba waxa doodaha iyo isbarbardhigga socdaa ammaanayaan Signal, inkasta oo uu ka adeeg koobanyahay.

Intaa kadib waxaan rajeenaya inaad si fiican u fahantay siyaasadda cusub ee whatsapp ka ( privacy policy).

Post a Comment

Previous Post Next Post