Waa maxay software ka pegasus ? si faahfaahsan

 


Maxaad ka taqaanaa software ka pegasus?

Zero click ama Hal fariin oo kaliya waxay kaa kaa gudbin kartaa dhamaan amniga telefankaaga oo rakibi karta program kan kan oo si buuxda ula socon kara dhaqdhaqaaqa telefan kaaga software kan aya waxu heli karaa fariin kasta oo waligaa laguu soo diri jiray sidoo kale wuxuu heli karaa fariin kasta oo aad heshay inta aad isticmaalaysay teleefan kaaga wuxuu kale uu heli karaa emailada kasta vedio kasta iyo sawirkasta 

Wuxuu shidi karaa camerada teleefankaada wuxuu duubi karaa wax walba aad samaynaysid sidoo kale wuxu shidi karaa macra fon kaaga xitaa isagoo  aan la isticmaalayn ayuu shidi karaa macrafonkaaga isagoo duubaya wax wal aad ku hadlayso wuxuu samayn karaa waxaas oo dhan adigoon ogaanin ama aan waxba dareemin Software kan fududaynaya basaasnimadan suuragal n aka dgigaya arrinkan waa porgaramka lagu magacaabo Pegasus 

Waa Maxay Qalabka loo yaqaan PEGASUS ee wax lagu basaaso ama wax lagu jabsado?Sidee buu qalabkani u dhex galaa ama u hack gareeyaa Telefoonada?

PEGASUS waa magaca loo yaqaan qalabka waqtigan xaadirka ah ugu casrisan ama ugu awooda badan ee loo adeegsado arrimaha wax basaasida (spyware) ama arrimaha wax lagu HACK gareeyo (jabsado) telefoonada.Qalabka Pegasus marka uu dhex galo telefoonkaaga, adigoo aan xataa ogayn ama aan ka war qabin, waxa uu awood u leeyahay in uu adiga iyo telefoonkaagaba 24-ka sacadoodba si joogto ah u basaaso.

Waa porograamada ugu hormarsan ee waxa lagu basaaso ee abid laga hergeliyay caalamka ma jiro qaab la isaga ilaalin karo hadii ay damcaan xogtaada, fikrad kasta aad lahayd iyo howl walbo oo muhiim ah waxaad ku qasban tahay inaad buug iyo qalin ku qoratid Pegasus waxay u aragtaa Aalad sey doonto kaayeeli karta marka hadii aad umalenaysid inaad nabad qabtid sababto waxad isticmaasha whatsapp end to end encrypt call ama waxaad isticmaashaa telegram signal facebook twitterRuntii micna malaha applicationadaan mar hadii uu Pegasus ku jiro telefankaaga 

Pegasus wuxuu awoodaa:

• In uu koopi gareeyo oo uu gudbiyo dhammaan farriimaha qoraalka ah ama codka ah ee aad dirto ama laguu soo diro sida (sms, WhatsApp, messenger, imessages, etc);

• In uu duubo (recording) oo uu gudbiyo telefoonada aad dirto ama laguu soo diro sida (sms, WhatsApp, messenger, Apple iMessages, etc);

• In uu koopi gareeyo oo uu gudbiyo sawirrada iyo video-yada gaarka ah ee kuugu kaydsan telefoonkaga;

• Telefoonkaaga oo xataa aad damisay, Pegasus wuxuu awoodaa in uu furo kamarada ama makarafoonka telefoonkaaga dabadeedna uu si sir ah kaaga duubo wax kasta oo aad samaynayso (hadal iyo muuqaalba);

• Pegasus waxa uu si joogto ah ula soconayaa ama uu u xaqiijinayaa meel kasta oo aad ku sugan tahay, meel kasta oo aad booqatay iyo cid kasta oo aad kulan la yeelatay ama aad la hadashay.

Wuxuu sidoo klae uweerari karaa telefan kaaga qaab loo yaqaano unuglaanta ama waxa lagu magacaaabo zero click oo mecneheedu yahay adigoo link  iyo waxba aan ku dhufanin in la helayo xogtaada si kooban waxa lagu soo dirayaa fariin oo kaliya fariintaa taabo ama ha tabanwaxaa la helayaa xogtaada unuglaanshaha noocaan ah weli ma ay ogaanin shirkadaha soosaarta teleefanada mana garanayan meesha laga soo weerarayo mobilada Pegasus waa qalab wax lagu basaaso ama wax lagu jabsado (hacking software or spyware) oo aad u khatar badan. Waxa sameeyey, soo saaray, Waddamada Dunidana ka iibiya shirkad laga leeyahay dalka ISRAEL oo la yidhaahdo NSO Group. Pegasus wuxuu awood u leeyahay inuu dhex galo billions telefoono ah oo dunida ku baahsan oo ku shaqeeya nidaamka iOS ama Android (operating systems).

Qalabkan Pegasus waxa lagu basaasay ama telefoonadooda lagu jabsaday dad badan oo ay ka mid yihiin Boqorro, Madaxweynayaal, Ra’isal Wasaarayaal, Looyaro, Dadka u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadamaha, iwm. Waxa ka mid ah Madaxweynaha Faransiiska, M/weynaha South Afrika, M/weynaha Ciraaq, Boqorka Marooko, Ra’iisal Wasaaraha Pakistan, iyo qaar kaloo badan!Haya’daha Warbaahineed ee arrinta daba galay, waxay xaqiijiyeen Waddamo toban ah oo adeegsada barnaamijkan wax lagu basaaso ee laga leeyahay dalka Israel. Waddamadaa waxa ka mida ah: Azerbaijan, Bahrain, Kazakhstan, Mexico, Morocco, Rwanda, Saudi Arabia, Hungary, India, and the United Arab Emirates.

qalabka PEGASUS ee wax lagu basaaso ama wax lagu jabsado waa qalabkii lagu basaasay ee lagu shirqoolay suxufigii caanka ahaa ee Jamal Khashoggi taariikhdu markay ahayd  02/10/2018. Lagu dilay laguna jarjaray magaalada stanbuul ee turkiga. ugu dambayn akhriste ma isleedahay waad ilaalin kartaa amniga taleefan kaaga ?

Halkan ka dhegeyso oo ka daawo muuqaal ku saabsan software kan ↴↴




Waxan gaarnay gunaanadka maqaalka, waxaa inoo balana ah maqaalka xiga eebe idankii 



Post a Comment

Previous Post Next Post