Sida lacag looga sameeyo clickbank, wadada ugu fudud !

 


SIDEE LACAG  LOOGA SAMEEYAA CLICKBANK? 

hadii ku fikirayso inaad lacag ka sameyso internate ka qaabka suuq-gaynta komiishan ka (affiliate marketing) waxaa jira website (mareeg) la dhaho clickbank, website kan wuxuu ku jiraa suuq-gaynta komishan ka in kabadan 20 sano, waxaa la aas aasay sannad ka markuu ahaa 1998 miilaadiga, hadaan si kale u dhigno website ka clickbank wuxu ku dhax jiraa saaxada suuq-gaynta komishan ka ah (affiliate marketing) in kaban 20 sano, waxaa laga yaabaa inay jiraan dad qaar dhahayan website ka waa qasaaro ama wax lagama helo iyo kuwa dhahayan website ka waa laga faaiidaa o lacag baa laga helaa, sidoo kale waxaa laga yaba kuwa qaar inay dhahaan website kan waxaa lagu soo bandhigaa calaabta gadmi weysay oo aan dadka u baahnayn, laakiin dhamaan su aalahas oo dhan waxan uga jawaabaynaa maqaalkan inta aan awoodno haduu alle idmo.
hadii aad jeceshahay inaad mar uun lacag ka sameyso website ka click bank, waxaan kaa hubaa maqaalkan inuu wax badan kaa saacidi doono.

Idin salaamay xilli iyo xaal wanaagsan idil ahaantiin ba, maqaalkena maanta waxaa ka hadli doonaa website la yaqaano oo caan ku ah sida internate ka lacag looga sameeyo, waxaa hubaal in dad ka jecel inay internate ka lacag ka sameeyaan ay ogyihiin ama ay maqleen website ka lacag laga sameeyo ee loo yaqaano clickbank ee caanka ka ah saaxada suuq-gaynta komiishanka ah, laakiin xilligan waxaa jira dad si fiican u yaqaana sida saxda ah ee loo isticmaalo website ka lacag na ay kasamaayaan iyo kuwa kale aanan aqoon sida saxda ah ee loo isticmaalo website ka clickbank ga, sido kale waxaa jira dad ka tagay website ka sababo badan owgii ayna kamid yihiin inay lacag ka heli waayeen, dabcan taasi maaha khaladka website ka clickbank ga balse waa khibrad la'aanta qofka isticmaalayo clickbank ga, hasa ahaatee maanta maqaalkeena waxan idin kugu sharxi doonaa si cad oo faahfaahsan sida lacag looga sameeyo clickbank.

Waa maxay clickbank?

clickbank waa mid kamid ah shirkadaha caalamka ee ku jirta saaxada suuq-gaynta komiishanka ama affiliate marketing ee internate ka, waxaa la aas aasay sanadka marku ahaa 1998, oo ah inay jirto 23 sano, mudadan dheereed oo ay kujirtay saadaxan waxay kaalin wayn ka qaaday inay kobciso clients ama macaamiilo badan ha ahaadaan kuwa wax iibiya iyo kuwa wax iibsada ba, sidoo kale waxaa la sheegaa clickbank ga inay leedahay wax kor udhaafa 200 million oo shaqaale oo dunida daafaheeda ku kala nool waxaan ka wadaa dadka account ku leh clickbank waxay ka badan yihiin 200 million oo qof.

website ka wuxuu ka dhexeeyaa midka wax iibinaayo iyo kan wax iibsanaayo. website ka ama mareegtada waxay qofka wax iibinayo siisaa faa'iidadiisa 75% halka ayadana ay qaadato 25% marmarna wey isbedeshaa boqolleyda percentage ka. website kan wuxuu si fiican u anfacaa dad ka facebook shacbiyad ku leh. sidoo kale mareegtadan waxay luqadaha ajaaniibta taasoo micnaheedu yahay inaad la macaamuli karto dadka ajaanibta ah iyo kuwa carabta ba.

 Waa maxay sababta uu u isticmaalayo mareegtadan qofka badeecada iska leh?

sababta uu diirada u saaarayo qofka badeecada leh website clickbank ayaa ah in website kan uu ka kooban yahay kumanaan macaamiil (clients) iyo dadka saameynta leh sidoo kale dad ku leh shacbiyad tira badan social media ha sida facebook, youtube, twitter, instagram iyo kuwa kale sida website yada qaar, taasi na waxay siyaadisaa ama kordhisaa in in badeecadaha la iibsado weliba si fudud sababto waxa ka jira caalamka suuq-gaynta tartamo badan.

Waa maxay sababta ay macaamiisha ama clieints ka u adeegsadan clickbank ga?

sababta ay macaamiisha ama clients ka u isticmaalaan mareegtadan ama website ka clickbank  ayaa ah in ay ka helaan dad sax ah oo runta u sheega una soo gudbiya badeeco ama calaab heer sare ah, clients ka wuxuu na awoodaa inuu calaabahaasi suuq-geeyo sida social media iyo website yada kale wuxuu na halkaasi ka heli karaa komiishan .

clients ka is weydiiya su aasha ah, suurta gal ma tahay hada inan clickbank inaan lacag ka helo weliba sanadka hada aan ku jirno 2021? jawaabta waxay noqonaysaa HAA waa suurtagal inaad clickbank ga lacag ka samayso weliba sanadka aynu hada ku jirno weliba lacag badan adigoo suuq gaynayo calaabta laakiin si lacag uga sameyso waxaa lagaa rabaa inaad inaad doorato calaab fiican oo heer sare ah iyo inaad dejiso qorshe iyo istiraatiijiyo caqliyeysan, hadii kale waxaa kugu dhici doona in sheekadaada ay dhamaato sida ku dhacday dad badan oo ku jiray clickbank ga oo na ku fashilmay oo ay hada aaminsan in clickbank ga uu san ahayn website fiican oo lacag laga sameyn karo.

Sidee lacag ku helaa clickbank ga?

halkan waxan ku baranaynaa wadada saxda ah ee loogu iibiyo calaabta affiliate ka, sababto ah wadadan ayaa ah wadadii lacag looga sameyn karo clickbank ga iyo websire yada kale oo u eg clickbank ga.

  1. Faa'iidada ah inaad blog ama website sameysato ama abuurato?

samee website ama blog oo aad hal shey ku soo gudbiso sida tusaale (sida cuntada loo kariyo, sida lacag loga sameeyo internate ka, waxyaabaha quseeya caafimaaadka, fashion ka iyo ....). sababto ah website waxad mustaqbal ka heleysa faa'iido badan hadii aad si fiican uga shaqeyso dhamaan heerar ka SEO, Tusaale kale aan ku siiyo " waxaad qoreysaa mowduuc ku saabsan caafimaad sida jirka loo dhiso ama miisaankaaga la isaga dhimo ka dib waxad dhigaysaa link ga affiliate ka kaasoo ugudbiya qofka qoraalka akhriyey inuu iibsado wax yaabaha jiimka lagu sameeyo ama wax yaabaha miisaan la isaga rido). laakiin waxaad isweydiinaysa maxaa ka dhigayo qofkaas inuu linkgaasi kugiyo ama ku taabto? jawaabtu waxay noqonaysaa waa nuxurka ama qoraalka tayeysan aad usoo gudbisay kaasoo aad uga hadashay wax yaabaha uu u baahan yahay, wuxuu sidaa ku arkayaa link ga aad u dhigtay si uu wax uga iibsado.

hadaba hadii aad jeceshahay inaad ka faa'iido affiliate ka adigoo samesanaya website ka waxaad u baahan tahay inaad si fiican u barato heerar ka SEO da si aad u hesho traffic badan oo kamid ah traffic yada google search ga. ( waxaan ka wadaa hadalkeyga, si aad u hesho dad badan oo wax ka raadiya google ka waa inaad si fiican u barata heerarka SEO da ), sidoo kale waa inaad xariif ku noqotaa sida dadka loo qanciyo in wax yaabaha aad soo gudbinayso inay run yihiin sido kale products ka aad ku soo bandhigayso website kaaga inay fiican yihiin, marmar qaar muhiim maaha inaad ka hadasho products ka waa ku filan inaad dhigto link ga affiliate ka qaab sawir aad u sameyso sawir dhaqdhaqaq leh ama caadi ah sida xayaysiimaha google adsense ga oo kale.

     2. Faa'iidada social media ha.

social media sida ( facebook, twitter, instagram, youtube, telegram ...), waxay door wayn ku leeyihiin iibinta iyo iibsashada products ka  iyo in lacag badan la helo, halkan waxa kugu waajibayo inaad shacbiyad dhisto oo ku dhisato hal shey tusale dad jecel caaafimaadka yacnii waxa ku saabsan jiimka, mar walboo uu hal shey ahaado waxaa kuusoo kordhaayo tirada dadka kugu xiran iyo wax yaabaha la iibsanayo, waxana product ga ku iibin kartaa cod iyo sawir aad dadka ugu sharxayso product ga iyo wax yaabaha uu qabto ama waxad sameyn kartaa inaad dadka la wadaagto link yada oo ay ku soo galaan website ka si ay wax badan uga ogaadaan product ga iyo wax macluumaad kiisa, sidaa na aad lacag ku hesho.

social media ayaa ah waxa ugu badan badan la adeegsado si  lacag looga sameeyo internate ka sababtu na waa social media wuxuu kulmiyey tiro aad u weyn oo dad ah oo aduunka ku nool oo jinsiyo kala duwan oo wax yaabo kala duwan na soo gudbiya, adigu waxaad ku dadaashaa inaad dhisato dad raba ama jecel hal shey sida caafimaad oo kale ama hal wax aad soo gudbiso.

     3. Ka faa'iideyso dadka waxa ay jecel yihiin.

hadii aad jeceshahay inaad lacag badan ka sameyso affiliate ka waxaa waajib ah inaad taqaano dadka waxa ay jecel yihiin ha ahaado waxa ku jira social media ama website yo kale, markaas dadka ayaad la faaiideysaa  dadkana waxay jecel yihiin hal product oo ay ku xalliyaan mushkiladan, sidaa darted wax yaabaha aasaas ka u ah inaad xariif ku noqotid iibinta products ka affiliate ka ayaa ah inaad barato waxa ay dadka jecelyihiin dhinac walba, intaa kadib, waxad galaysaa suuqa affiliate ka gaar ka u ah clickbank waxa heleysaan 3-4 products oo faaiido leh markaas waxaa si too ula xiriireysaa shacbiyadada waxa ay rabaan.

    4. Samee birqabad aad ku jiidayso dadka kugu xiran.

Khalad ka ugu weyn ay galaan dadka bilow ku ah affiliate marketing ka ayaa ah inay ku share gereeyan link o keliya oo affliate ka ah meel walba, badankoodna kuma guulaystaan hal xabo xitaa lagama iibsado, hadii hal product oo keliya la iibiyo waxay noqonaysaa iibin lama filaan ah, laakiin faaiidada dhabta ahi ma noqonayso filasho bal waxay noqonaysaa ku celcelinta iibinta waxa yaabaha la iibinaayo.

Dadka ku takhasusay suuqan kuma dagdagan inay share gereyan link yada si ay lacag uga helaan bal waxay sameeyaan inay dad cusub so aruriyan kadibna waxay ku bedelaan kuwa gmail kooda ku xiran, shaqadan waxay hos tegeysaa wax la dhaho Email Affiliate Marketing waxayna leedahay faaiido badan oo lacagta laga sameeyo internate ka 

Birqabadka ama soo jiidashada ayaa ah hadiin aad qorsheynayso inaad iibiso product ga jiimka sida wax lagu yareeyo miisanka, waxaa waajib ah inaad soo qorto qoraal free ah ka hadlaayaa sida miisaanka la isga dhimo tusaale qof buuran sida miisankiisa ku dhimi lahaaa oo aad na ku dhiira geliso in ay dhimaan miisaankoda, markas ayaga na waxay sameenaayan inay email kooda kugu soo galaan kadib na ay kaa qaataan qoraalkaas free ga ah, sidaas waxad ku heshay dad u baahan misaanka inay iska dhimaan sidoo kale waxad heshay inay kugu soo galeen email kooda, markan waxad haysataa dad jecel nooca aad soo gudbinayso, waxaana ayaga la wadaagi kartaa mowduucyo dhiira gelin ah oo la socda link ga affiliate ka. masiiradu maaha wah sahlan laakiin hadaad joogteyso waxaad heleysaa dad tira badan.

 

Post a Comment

Previous Post Next Post