Dunida cusub ee metavers!



Duni ka cusub dunida maanta ee social media ha ayaa loo gudbi doonaa. Metavers na waxaa loo arkaa technology yada internate ka ku xigsan doonta, waayo wax walibo dhowr sano kadib waa la bedelaa internate ka aynu isticmaalno maanta na hab cusub oo casri ah in laga dhigo ayey shirkaduhu kuguda jiraan.

Waa maxay Metaverse?

Shirkadda Facebook waxay ku dhawaaqday oo ay shaacisay inay dhisayso metaverse, oo ay ka shaqayn doonaan  dhisideeda (dhisidda mashruuca metavers ka) 10,000 (toban kun) oo Injineer. lacago bilyanno ah baa ku bixi doonaa mashruucan sida ay sheegeen. Haddaba waxa la isweydiinayaa muxuu yahay qaabka dunida internetku u guuri doonto gaar ahaan FB ee Metaverse?

Si kooban, Metaverse waa laba eray oo macne ahaan u dhigma Caalam casri ah ama kawnka casriga ah ee khiyaalka. Hadda waxaynu ku wada-xidhiidhnaa internet inaga oo adeegsana Shabakadaha sida baraha bulshada ama apps-ka lagu wada sheekaysto. Metaverse sidaa wuu ka duwannaan doonaa. Waxa uu dhisi doonaa duni khiyaal ah oo qofku toos u dhextegi doono, La kulmi doono saaxiibadii iyo dadka ay shaqo wadaag yihiin. Xafiiska uu doono ee ka dhexjira dunidaas hawl ka soo qabsan karo, isla markaana uu ka dhex tukaamaysan karo dunida metaverse. 

Metaverse qofkasta waxa uu yeelan doonaa muuqaal (avatar) isaga u eeg oo ku dhexmatala dunidaas. Haddii immika aad muraayadda ka daawato muuqalladda baraha bulshada la dhexkeeno Metaverse waxa uu ku dhexgeyn doonaa dhacdada aad daawanayso adoo dareemaya inaad barbar taagan tahay ayaad daawan doontaa. Suuqa aad doonto ayaad dhextegi doontaa oo shelefyada Meheradda alaabta taalla mid mid u qaadi doonta si tan ku cajabisa aad u gadato. Jaamacadda ayaad fasalka toos u dhexfadhiisan doontaa. Ama se bandhigeed faneed uu joogo fannaan aad xiisayso ayaad toos uga qaybgeli doontaa

Qalabka la adeegsan doonaa waa Mobillada casriga ah (smart phones) oo ay caawinayaan muraayaddaha  indhaha ee qaabka 3D sameeya iyo qalabka dhegaha ( VR headsets) oo dhammaantood ay shirkadda Metaverse soo saari doonto. Waxa la saadaalinayaa in mustaqbalka internet-ku dhammaantii qaabkaas u shaqayn doono.Metaverse ma aha Game madadaalo sidaas ha u fahmin. Waa hab casri ah oo ganacsiga, waxbarashada, isku furnaanta dunida, baahinta aqoonta iyo dawladnimada ba faa'iido u leh. Waloow faa'iido darrana uu yeelan doono.

Dhinaca xun ee metaverse :

Metavers waxay aad u shabahdaa metaphysics oo micneheedu yahay : wax yaabaha aanan arag, oo cilmiga biniaadam ka aan gaarsiisnayn.Technology yada Mark Zuckerberg uu so bandhigayo iyo sida ku noolanshaha caalam free da ah uu ka dhigaayo micnehedu waa in bini'aadam ka adoon u noqdo technology da, technology dan cusub ee soo socota waxay saameyn doontaa shaqooyinkeenna, guryaha xitaa sports ka yacnii meel aad iiga baxsaneysaan malahan.Meta ayadoo dabaqayso qorshayaashas Mark ayay hormarisay ookilyaalo oo 1 3D ga ah OCULUS oo bilow u ah dabaqitaan ka istiraatiijiyada meta ee uu Mark leeyahay

Maalgelinta iyo hirgelinta mashruucan waxa hogaamin doonaa shirkadda magaca laga beddelay ee Meta (ex- Facebook inc) waxaana qayb ka noqon doona badi shirkadaha waaweyn ee tiknoolajiyadda. 10 ilaa 15ka sanno ee soo socda ayaa toos Metaverse u hirgeli doona sida ay qorshaynayaan.

Si aad si fiican u fahanto caalamka Metaverse ama caalamka khayaaliga ah daawo aflaamta 'Ready Player One' ama 'Matrix' waxaad ogaaneysaa qaabka uu noqon doono facebook metavers.

Post a Comment

Previous Post Next Post